Tuesday, November 19, 2019

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan

0
Tuesday November 05, 2019 - 21:48:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan

    Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Taiwan






Hargeysa: 05/11/2019 (Saylactoday)- Guddoomiyaha Baanka Dhexe Mudane: Cali Ibraahim Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wafti heer sare ah oo ka socda wasaaradda Arrimaha Dibadda ee wadanka Taiwan.

Shirkan oo ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha Baanka Dhexe, waxaa ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe ee JSL, Mudane: Axmed Xasan Carwo, Agaasimaha Waaxda Dabagalka dhaqdhaqaaqyadda Maaliyadeed Mudane; Mawliid Faarax Muuse iyo Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha iyo Arrimaha Dibadda, Mudane; Mukhtaar Cumar Cali.

Dhinaca Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan waxaa hogaaminayay Mr Chen-Chi Wu oo ah ergayga u qaabilsan Taiwan Arrimaha Afrika, Mr. Yang, Syin-yi Agaasimaha Waaxda Galbeedka Asia iyo Afrika Ergayga Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan u qaabilsan iyo Mr Wafy Luo madaxa fulinta ee Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Waqooyiga Asia iyo Africa

Ugu horayn, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Mudane; Cali Ibraahim Jaamac ayaa waftiga uga waramay xaaladda dhaqan dhaqaale ee JSL, Guddoomiyahu waxaa kale oo uu uga waramay fursaddaha dhaqaale ee wadankani leeyahay.

Dhan kale Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Mudane Axmed Xasan Carwo ayaa xusay in ka Central Bank ahaan ay aad u daneenayaan in Baanku yeesho corresponding Banks isla markaana ay jeclaan lahaayeen in Baananka Taiwan iyo Somaliland wada shaqeeyaan, madaama oo wadankani yahay Wadan aynu isku duruufnahay, xaga aqoonsiga.

Dhinaca kale, Kulankan waxaa lagaga wada hadlay sidii loo furi lahaa xidhiidh dhaqaale oo dhex-mara Somaliland iyo Taiwan, iyo sidii la iskugu xidhi lahaa Haayaddaha maaliyadeed Taiwan iyo kuwa Somaliland.

Ugu dambayntii waxaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe ayaa waftiga Gudoonsiiyey Hadiyado qaali ah oo ay ka mid yihiin Lacagta dalka oo muunad ah "Specimen”, Xeerka Baanka Dhexe " Central Bank Act, Annual Financial Report Stability Report’s iyo Qorshaha Horumarineed ee "Strategic plan of the Bank 2018-2022”

Kulankan wuxuu ku soo dhamaaday Jawi degan iyo afgarad.

Wabillahi Tawfiiq.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc