Tuesday, November 19, 2019

Maamulka Gobolka Iyo Degmada Laascaanood Oo Gobolkaas Kusoo dhoweeyey wefti Uu Hogaaminayo wasiirka Ciyaaraha

0
Friday November 01, 2019 - 02:16:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 45
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Iyo Degmada Laascaanood Oo Gobolkaas Kusoo dhoweeyey wefti Uu Hogaaminayo wasiirka Ciyaaraha

    Maamulka Gobolka Iyo Degmada Laascaanood Oo Gobolkaas Kusoo dhoweeyey wefti Uu Hogaaminayo wasiirka Ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Iyo Degmada Laascaanood Oo Gobolkaas Kusoo dhoweeyey wefti Uu Hogaaminayo wasiirka Ciyaaraha
Sharaf ayay noo tahay in maanta aannu soo dhawayno wasiirka dhallinyarada & cayaaraha Somaliland Mudane Boos Mirre oo magaallada Laascaanood soo gaadhay 

Anagoo intaasi ka dib xadhigabka jarnay dhismaha & dayac tir si casriya loogu sameyey garoonka kubbadda kollayga Laascaanood oo loogu magac daray Rabbi ha u naxariistee halyey-gii nabadda ee Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac Garaad Cali .


Munaasibadda furitaanka mashruucan oo ay maalgellinayso dowladda hoose ee Laascaanood ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo aanu ka wada qayb qaadanay wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Boos Mirre, & duqa magaallada Cabdicasiis Xuseen, iyo xoghaya dowlada hoose, isuduwaha ciyaaraha.

In la maamuus si xasuustooda & u ducayntoodu aan looga daalin looguna sumado dadkii ummadda waxtarka u lahaa qayb ayay ka tahay siyaasadda xukuummadda Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Sharaf Somaliland u tahay in Garaad Cabdiqani oo salka u dhigay nabadda degaannada Somaliland oo dhan aan ugu magac darno garoonkan .

Ballanqaadyadii Madaxweyne Muuse Biixi doorashadisii ka hor ee horumarinta Cayaaraha & da'yarta ayaa jadwalka waxqabdyada arrimahani salka ku hayaan .

Nabad horumar baaxaleh oo gobolka sool ku talaabsado in.a.
Guddoomiyaha gobolka sool.
Cabdiqani Maxamuud Jiidhe


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc