Tuesday, October 15, 2019

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo U Mahadnaqay Dhalinyaro Caan ah Baraha Bulshada Ka Bilaabay Dhiirigelinta Hankiisa Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

0
Tuesday October 08, 2019 - 21:37:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 338
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo U Mahadnaqay Dhalinyaro Caan ah Baraha Bulshada Ka Bilaabay Dhiirigelinta Hankiisa Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

    Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo U Mahadnaqay Dhalinyaro Caan ah Baraha Bulshada Ka Bilaabay Dhiirigelinta Hankiisa Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo U Mahadnaqay Dhalinyaro Caan ah Baraha Bulshada Ka Bilaabay Dhiirigelinta Hankiisa Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye

Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi Oo U Mahadnaqay Dhalinyaro Caan ah Baraha Bulshada Ka Bilaabay Dhiirigelinta Hankiisa Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye


اسعد الله مسائكم بكل الخير أيها الاخوة والأخوات أينما كنتم فيربوع وطننا الحبيب صوماليلاند .
أشكر جميع شباب والفتيات في صوماليلاند وخاصة الناشطون في 
وسائل التواصل الإجتماعي لما أبدوه لنا من ثقة وحسن النية .





QORAALADA LAGU DAABACAY FACEBOOKA WAXAA KA MID AH



Mujaahid mahamud  xaashi cabdi halyey qaran 
Hadii kulmiye larabo in uu sii jiro waa in deg deg loo gu warejiya mujaahidka


Qolo Yaryar Oo Bahdii Miyiga Ah Ayaa Madaxweynaha Ka Daba Hadlaya, Anaga Madaxweynahaygu Xitaa Af Carabida Ayuu Ku Hadlaa kkkk Kay Daba Wadaan Maba Akhriyi Karo Xitaa

#sawir aan ka Qaaday iyo Mid aan La Galay Madaxweyne Mohamud Hashi Abdi


SULDAAN XASAN HAJI WARSAME AYAA QORAY..

Somaliland guud ahaan garanmaayo cid maanta kamudan inuu hogaamiyo maxamuud xaashi cabdi 
Waa siyaasi dalkan usoo halgamay hadii aan xaqiraadi jirin waa hogaamiye bislaaday oo shiraban 
Waxaan hubaa inuu yahay kan maanta dalku u baahan yahay aragti ahaan waa masuul rag iyo rabiba yaqaana oo xikmad maala 
Waa hogaamiye ilaaliya oo qadariya aragtida kale ee isaga kasoo hor jeeda 
Waa masuul aynu aragnay oo sifooyin gooniya xanbaarsan  kuna sifoobay aragti fogaan iyo hogaamin suuban 
Si kale hadaan idiinku dhigo maanta filimaayo inuu jiro siyaasi kasoo jeeda gobolada bari oo maxamuud u babac dhigaya 
Marka aynu doonayno inaynu helno dal qurxoon oo hiigsada wadamada kale ee africa iyo caalamka waa inaynu helnaa hogaamiye aragti dheer oo fahansan hab dhaqanka caalamka ee maanta 
Sidaa awgeed garanmaayo cid dalkan uga mudan xaashi waana hubaal inuu yahay siyaasi dhanwalba ka dhisan diin ahaan iyo dhaqan ahaan 
Kuwo badan ayaa waxay is waydiinayaan markuu wasiirka ahaa muxuu qabtay iyo arimo kale 
Waxaan filayaa cadceed baabaco laguma qarin karo xiligii uu wasiirka duulista ahaa wuxuu ahaa wasiirka wax qabadka iyo horumarinta markuu wasiirka madaxtooyada ahaana wuxuu ahaa wasiirka koobaad ee dalkan u yeelay sawir qurxoon oo beesha caalamku xiiseeyaan 
Sawir dawldnimo oo qurxoon iyo qaam maamuuseed wanaagsan oo dawladnimo u eeg 
Hadii aan hogaanka loo dhiibin ninka mudan waxaynu ku jiraynaa far qaniin iyo dibno calaashi si aan taas uga badbaadno waa inaan doorana taageerna ninka dalkan hogaamin kara ee wadada toosan ku hagaajin kara kaasina maanta wuxuu u eegyahay maxamuud xaashi 
Hadii aad qabiil iyo qoysnimo iyo dano kale ku diidayso anaga ayaa kaa badan ee hadalkaaga ha iska dhamayn 
Madaxwaynaha 6aad ee dalkani yeelanayaa waa xaashi hadii aad hada dhimanayso anaa sidaa ku idhi walal 

FG: muwaadin is xilqaamay oo gartay hogaamiyaha dalkani u baahan yahay ayaan ahay mana jirto shirkad iyo shaqsiyaad igu maalgaliyay qoraalka aragtidayda cidna kuma matalo 

Team xaashi



Caanno cidii soo listey la ogyahay nin 
waliba ha sheegto waar waxaanu wadanaa hogaamiye shiraban oo hal-abuur leh dawladdnimada usoo ciidamiyay
Awr garbo beelay haamahayga ku aamini maayo Masiirka qarankanina waxa uu ubaahan yahay hogaamin aragti fog leh
Team hashi 2022

Caanno cidii soo listey la ogyahay nin 
waliba ha sheegto waar waxaanu wadanaa hogaamiye shiraban oo hal-abuur leh dawladdnimada usoo ciidamiyay
Awr garbo beelay haamahayga ku aamini maayo Masiirka qarankanina waxa uu ubaahan yahay hogaamin aragti fog leh
Team hashi 2022



SHARMARKE ABDI LAKI QALOOMBI AYAA ISAGUNA QORAY SIDAN


Afar hibo oo hogaamiyaha laga hela lagu badhaadho ayuu maxamuud xaashi yeeshay ninka dhaliishiisa aad sheegto tognantiisa na waa la sheega barri na hala aase nin ragga baqaskii waa ceeb.

1 waa siyaasi degen oo si miir qabta wax kasta u eega degdeg na aan lagu aqoon waxa aay ka midaysan yihiin hogaamiyayasha  Obama, Butin Emmunel macron waa halkii qaasine waa in hogaamiyaha laga hela macaan iyo qadhaadh meel ku wadda yaala.

2 waa aftahan waxa la dhaho fagaare ka hadalka hogaaminta waxa aay kaga jirta meel weyn dhamaan hogaamiyasha aftahanada lagu majeerto ee lahaa waa kuwo aragti dheer lahaa.

3 waxa u leeyahay biseyl siyasadeed oo ka koran caadifada iyo xifaalka aan macnaha lahayn waxa lagu yaqaan samir dulqaad iyo dabacsani aan xad lahayn waa hogaamiye wax dhagaysta oo tala wadaag leh go'aana leh u gaar ah.

4 waxa uu siyaasada ku soo galey yaraan waxa u la soo shaqeeyay cigaal tuur rayaale , silaanyo iyo muuse taas marka aqoonta dawladnimo laga hadlayo waxa aay ahayd in taalo burco looga dhiso waayo waa mayirkii marti galiyeey halka somaliland  lagaga dhawaaqey waxa aaynu odhan karna waa qaangaadh.

In aanu meelo ku kala aragti duwanay waa laga yaaba xaga siyaasada ah in aanu meelo kale ku midaysanayna waa suurtegal gudidii garsoorka ee snm markii u ahaa ayaa oday iiga shekeeyay oo waxa uu yidhi snm is wadda leysey ayaa guddi u ku jiro gudoomiye ku xigeen u ahaa la sameeyay maalinta ayaa ugu danbeysey nin snm ah oo ku dhiirada in uu nin snm ah dilo.

Adduun weynaha siyaasada taariikh ayaa lagu jaangooya waa sababta hogaamiye kasta taariikhdiisa dibada loo soo dhigo. Hogaamiye kasta ka uu siyaasada kaga taariikh weyn yahay ka bisil kana aragti dheer.  Somaliland waxa u baahan tahay qof maayir xildhibaan asaase xisbi iyo wasiir inta ba soo maray waa hogaamiye buuxiyeey shuruudii siyaasada taasina waa qodob.



CALI MAHDI JIBRIIL AYAA ISAGUNA QORAY




Maxamuud Xaashi waa ninka qudha ee Dalkan iyo Dadkan isku wadi kara ahna Hogaamiyaha ugu haboon ee Qaranku u baahanyahay Mustaqbalka dhow.

"MA AHA ADIGA FIKIRKAAGA EE WAA ANIGA FIKIRKAYGA" 

• Dalkan Lexlo jeclo badan baa igaga jirta, sidoo kale aqoon badan baan u leeeyahay Siyaasiyiinta waqtigan ee Somaliland, kuwa xisbiyada hogaamiya iyo kuwa talada dalka haya haday tahay,

Afar astaamood oo uu leeyahay isma lihi siyaasi Somaliland ka dhashay baa leh.

1• DAD ISKU WAD "Maxamuud waa siyaasi aad ka yaabayso hibada uu u leeyahay in uu isku soo aruuriyo dad kala aragti duwan iyo kuwo qaba afkaaro is diinan, wuxuu ILAAHAY  (SW) awood u siiyay in uu Dad isku hayn karo.

2• SOO XERO GELINTA IYO KASBASHADA "waxyaabaha kale ee Cajiibka ah eed dadka yaqaanaa ka bartaan waxaa ka mid ah in uu karti u leeyahay Qof kasta oo ay isdiidanyihiin oo uu Dan ka leeyahay in uu soo xero geliyo, Aaminsiiyo fikirka uu qabo hantana Quluubtiisa, xataa Adiga in uu ku kasbado waxba kuma aha.

3• LOOLANKA "qof kasta oo arkay sida Maxamuud u loolamo oo Godadka uu ka dheelo yaqaanaa wuxuu kuu sheegayaa in aan laga adkaan karin, Shaxda uu siyaasada ka ciyaaro waa adagtahay in la liijiyo, Anigu Calimahdi ahaan waxaan qabaa inta Kulmiye xog-ogaalka u ahina u ogtahay  Shaxdii Madaxweyne Muuse ku guulaystay in uu isagu dhigay ninkii Mucaaradka loolanka la galayna isaga ayuu ahaa sida aan qabo.

4• HOGAAMINTA "markeeda horeba Hogaamintu waa Haybad ILAAHAY bixiyo ninkan cas ilaahay wuxuu hadyad u siiyay Hogaamin wanaagsan, wuxuuna awood u leeyahay cid kasta oo uu hogaamiyaa in Tabashadeeda uu buuxiyo, wuxuuna yaqaanaa sida Wax-qabad midho dhala loo abuuro dhaqaalahana loo sameeyo.

QOFKA INTAAS IGU DIIDAA WAA QOF AAN AQOON MAXAMUUD XAASHI.

Waxaana isleeyahay Xaaladda maanta Hadii uu ka Talo bixin lahaa wax badan baa Toosi lahaa.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc