Tuesday, October 15, 2019

Xil Igmasho Madaxwayne Waa Fursad Masuulku Ku Hirgaliyo Hiigsi Qaranka. Abdishakur Gande.

0
Tuesday August 20, 2019 - 00:34:42 in News in English by Super Admin
  • Visits: 184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xil Igmasho Madaxwayne Waa Fursad Masuulku Ku Hirgaliyo Hiigsi Qaranka. Abdishakur Gande.

    Xil Igmasho Madaxwayne Waa Fursad Masuulku Ku Hirgaliyo Hiigsi Qaranka. Abdishakur Gande.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xil Igmasho Madaxwayne Waa Fursad Masuulku Ku Hirgaliyo Hiigsi Qaranka. Abdishakur Gande.
Xil Igmasho Madaxwayne Waa Fursad Masuulku Ku Hirgaliyo Hiigsi Qaranka. Abdishakur Gande.
++++++++++++++++++++++++++++++ +++++

بسم الله الرحمن الرحيم
.
W/Q: Abdishakur Gande
------------------------------ ---------
.
Wadaniyada dhabta ah aya ah waajib muwadin walba in Xil ka saaran yahay wadankiisa. Balse, Xilka ugu mudan baa ah ka doorashada ama magacabis Madaxwayne uu masuuliyad sharci ah oo shacabka u hogaamisa uu masuul ugu igmado oo uu wareegto kusoo saaro. Si masuulkaasi loogu hagaaga waajibaad lagula xisaabtamo oo uu ku muto abaal marin iyo ciqaab sharci waafaqsan oo hadba siduu u guto xilkuu qaranka u hayay. Xilka masuuliyadu ma aha wax fudud oo si sahlan lagu doono haddaanad isu garanayn in aad qaadi karto ama aad tahay qof qaranka haduu in uu xil u qabto wax usoo kordhinaya waa in aad go'aan u yeelata. Taasi waa sababta maqaalkan keentay.
.
Mudane Madaxwayne, Waxa duurka & dibada ka jooga xukuuumadaada & dawladnimada ba halyayo hibo & hawlkarnimo leh oo ay hirdiyeen rag nasiib u helay inay hareertaada joogaan ilaa ay hilinka wanaagsan ku baal marinayan oo waxba kuusoo kordhinayn mudo xileedkaaga qaran. Hogaamiyuhu markaste ma noqdo midka ugu talo haboon. Balse hawsha qaranku waxay sida u haboon ugu hirgasha is-hareero jooga haldoorka qaranka & kaashiga waxgaradka talada wanagsan. Rag gobanimo, xeerin, dulqaad, dedaal & garasho gondahooga buuxisay baa wadaniyad darteed u hogaansan gaf. Umada dulmi u adkaysataa waxay kacdaa xili ay adag tahay in la helo kalsooni qaranimo & wax wada lahasho dhaba dib loogu yagleelo.
.
Mudane madaxwayne haldoorkii mudna inay maamulka dalka ka muuqdaan marka loo eego waayo aragnimo, aqoon iyo siyaasadba ayaa dalkoogii marti u ah taasi muwaadinka samraya waa u wadaniyad dalka na waa masiibo waayo waxaa la lumiyay awood dal ama khayraadkii dalka ee in laga faa'idaysto ay muhiim ahayd. Sidaa waxa ka dhigan haldoorkeena wadamada darisku ay ku macasheen iyago looga faa'idaystay fursadaha hogaamineed ee ay wadamadaasi ka heleen. Iyadoo tixgalin la'aantu & caqabadaha jiraa yihiin sababta ku kaliftay inay dalkooga, dal kale dhaafsadaan maadamo ay u arkeen xalka mustaqbalka nolashooda inay ku jirto. Iyagoo u arka xaqiijinta kartida ay leeyihiin inay meel kale ku muujiyaan sababtay qarankoogii ugu wacad fureen ay tahay.
.


-Qofku Intuu Kutari Karuu Kuyeeli Karaa -
------------------------------ ------------------------------ ----
Nin waxba ku yeeli karin waxba kuma tari karo. nin wax ku tari karaa wax kuyeeli kara. Qofku qiimahu leehay hadii la qirin mar aan munaasib ahayn buu meel aan la jeclaysan qiimahiisa ku muujiya si'uu u xaqiijiyo hawlkarnimadiisa iyo hibadiisa.
.

--- Haddalka Aan Saafo--
------------------------------ ----------
Run ahaantii, xisbinimada midka lagu yahay ee dimuqraaddiyad ku dhisan baa ah waxaad lahaanshiyo, wax isku darsi. Tusaal: sida dhari lawada bislaysanayo si baahida guud loo reebo. Sidaadarteed, dhariga ninba wax buu ku darsadaa. Qof basal keena, ku Baradho keena, mid milix Kudaray, mid xawaash ku rita iyo kuwa ugu damaca sareeya ee hogaanka ah oo Cad/hilib kudarsaada. Sikaste ha ahaate qof waliba damac buu leeyahay. Sidaa waxa ka dhigan rabitaanka murashaxa wuxuu ku hirgala halganka raga hareero jooga iyo barnaamij siyaasadeedka xisbiga halka rabitaanka ama hanka xisbiyahanada u baahan inay xukuumada kasoo muuqdaana Amarka Eebe kasokow ku xidhan yahay igmasho / magacabista Madaxwaynaha.
.
Mudane Madaxwayne markaa ku dooranaynay badhkaayo waaxay u taagnayd waa markaygii se anigu iyo in badan oo ila mid ahi waxaan kala dooranayay hogaanka qarankayga himiladiisa hirgalin kara kaan u doortay ee halganka hawsha badan ee maskax, muruq iyo maal ba aan u huray adiguu ahaa ilaa maanta na waan kugu hareer tagaanahay talada qaranka oo adigaa sheegay in taladu ku toosayn madaxwayne kaligii lagu eego ee ay taabagalayso wada shaqayn & hogaansanaan. Hadaba muhiimada u wayn baa ah ama lama huraan ah in murashaxa loo garto kursiga la baaciyo oo kor loo qaado isna uu gacanta usoo fidiyo inta mudan ee meel marin karta Siyaasada xisbi xaakimku ku xukumayo qaranka.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Abdishakur Gande
Abdishakur M Hassan
634200882 & 654200882
Hargaysa, Maroodijeex Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc