Saturday, December 14, 2019

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa : Masuul Sanado Badan Shacabka Haraadku Laayay Been u Sheegaya

0
Thursday July 04, 2019 - 20:13:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 232
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa : Masuul Sanado Badan Shacabka Haraadku Laayay Been u Sheegaya

    Hargaysa(Saylactoday):Iyadoo tan iyo marki uu Xilka Maareeyenimo la wareegay Maareeyaha Wakaalada Biyah Hargaysa Maxamed Daarood oo isagu Noqday Masuul ku Caan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(Saylactoday):Iyadoo tan iyo marki uu Xilka Maareeyenimo la wareegay Maareeyaha Wakaalada Biyah Hargaysa Maxamed Daarood oo isagu Noqday Masuul ku Caan

" Gurigaygii Ayuu Biyihii Ka Goostay Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Cid Naga Qabatana Ma Hayno " Maareeye Daarood Oo Shacabkii Haraad Ku Laayay.

 

 

Hargaysa(Saylactoday):Iyadoo tan iyo marki uu Xilka Maareeyenimo la wareegay Maareeyaha Wakaalada Biyah Hargaysa Maxamed Daarood oo isagu Noqday Masuul ku Caan baxay Adeegsiga Nidamka Qabyaalada,Beenta Iyo Ka Aargudashada Dadka Danyarta ah ee Ku Dhaliila inuu Biyihii Ka Goostay Ayaan ilaa Iminka Mudadii uu Xilka Hayay Haba yaraatee Waxba kusoo Kordhin Wakaalada.



Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa Ayaa Indho Sarcaad iyo Sawiro been Abuur ah oo Aan Run Ahayn Wuxuu Sanadkii 2018 Bishii Feberweri Ka Sheegay In Meel Wanaagsan Uu Maraayo Biyo Baaladhinta Caasimada hargaysa Oo malaayiin Doolar Ay ku Bixisay Hayadaha Somaliland Taageeraa taasi oo jeebka Ugu Dhacday Xubno Gaar Ah 


Muuqaalkani Waa Maareeyaha oo kaxeeyey Wasiirka Biyaha Isla markaana geeyey Halka uu Maraayo Mashruuca Biyo Baaladhinta Hargaysa kaasoo Ay kasoo Wareegtay 2 Sanadood.


Biyo Balaadhinta Hargaysa Ma Mid aan Dhamaan Baa Maxaase Haysta laba sano oo uu Darood Xafiiska joogay ee Caasimadu Biyo Ku Filan u Heli Wayday


 

 

Maareeye Daarood ayaa Sheegay Sanadkii 2019 Waxaa uu Sheegay in Beebka Biyaha u Qaadaya Hargaysa La Bilaabay Taasi oo Ay Ka Caawinayso Dawlada Jarmalku Mana Jiro Ilaa iminka Wax beeb Ah Oo Hargaysa soo gaadhay caasimadana Booyado Ayaa u Dhaamiya Kuwii Biyuhu usoo Dhici Jireena Waxaa Biyuhu Soo Gaadhaan 3dii Habeenba hal Habeen,



Maareeyaha Oo Ka Hadlaaya Qaabka beebku usoo Gaadhayo hargaysa Iyo Mashruucaas oo Aan ilaa Hada Bilaabmin 



 





SANADKII 2018: WAKAALADDA BIYAHA HARGEYSA IYO SHIRKAD JARMAL AH AYAA KALA SAXEEXDAY FULINTA MASHRUUCA BIYO GALINTA CAASIMADA


 

 

 

 

 

Maareeye Daarood ayaa isagu la kawsaday Maamul Xumo Hadhaysay Guud ahaan Maamulka Wakaalada Biyaha Hargaysa iyadoo Bilawgii Shaqada Xafiiska Maareeyaha uu Banaanka u soo baxay War iftiminaaya In maareeyaha Wakaaladu uu Shaqaalaha iyo Maamulada Waaxaha uu Qaarkood shaqadii ay hayeen uga Badalay Nidaam Isir Sooca (Qabyaaladeed) islamarkaana uu ku Badalay Shaqaale ay isku Hayb ka soo Wada Jeedaan.

 

 

Wakaalada Biyaha Hargaysa ayaa Wakhtigan Noqotay Meel Yeelatay Muuqaal Guri Qoys Reer oo dhamaantood Ka soo Wada Jeeda Jufada Maareeye Daarood iyada oo uu Maareeyahu dhamaanba Shaqaalahii ka baxsanaa Jufada Qoyskiisa uu ka saaray Dhamaanba Qaybaha Shaqada ee Wakaalada Biyaha Hargaysa isagoo u Adeegsada Eedaymo kala Duwan oo uu ku sababeeyo Shaqo ka Caydhintooda iyo Ka Badalida Shaqadoodii Hore.

Hadaba Shabakada Gobanimonews.com oo u kuu Gashay ayaa heshay Xog Banaanka soo Dhigtay Baaxda uu leegyahay Musuqa Isirka ku salaysan iyo Hanaanka Maamul Xumo ee ka jirta Xafiiska Maareeyaha Wakaalada Biyaha Hargaysa,iyo waliba Tirada Shaqaalaha ee iyagu ku waayay Xuquuqdoodii Nidaamka Qabyaaladeed ee uu ku kaco Maareeye Maxamed Daarood, iyadoo xogtu banaanka soo Dhigtay Deegaanada ay u badan yahiin waxaanay Xogtani shaacisay in maareeye Daarood shaqaalaha uu shaqada ka Caydhiyay iyo kuwa uu ka Badalay Boosaskoodii Hore ay Yahin Shaqaale iyagu ka soo jeeda Jufada Maareeyahii Hore ee Isaga Xilka ku Wareejiyay Mudane Ibraahin Siyaad Yoonis.

 

 

Sababta ayaa Xogtu ku sheegaysaa in aan ilaa hada la ogeyn balse waxa la sheegay inuu dhamaanba Boosaskaa Shaqo uu ku Badalay Shaqaale aan hore uga tirsaneyn oo isagu Soo Qortay islamarkaana ka soo Jeeda Beeshiisa sid ay Xaqiijiyeen Qaar ka mida Shaqaalahaasi oo iyagu Codsaday in aan la bixin Xogtooda Iyo Magacoodatoona Iyagoo ku Sababeeyay Xaaladoda Amaan oo ay ka cabsi qabaan.

 

 

Sidoo Kale xoogtan aanu ka helnay Shaqaalahaasi oo iskugu jira kuwo Shaqada laga Eryay iyo Qaar laga Badalay Qaybahoodii ayaa sheegay Qaybaha iyo Xafiisyada uu maareeye Daarood ku Camiray kana shaqaaleysiiyay Jufadiisa waxaaana ka mida Sidan.

 

1:Agaasimaha waaxda Maamulka iyo Lacagta, oo uu ku badalay Wiil ka soo Jeeda Qoyskiisa

2:Madaxa waaxda Shaqaalaha oo isna lagu badalay jufada Maareeye Daarood

3:Madaxa Waaxda Farsamada iyo Biyo galinta, isna waxa lagu Badalay Qoyska Maareeye Daarood

4:Madaxa Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafada oo isna loo dhiibay Wiil ay isku Qoys Hoose yahiin maareeye Maxamed Daarood.

 

Dhamaan Xogaha Waaxahaasi waxa noo cadeeyay Shaqaale iskugu jira Qaar uu maareeye maxamed Daarood ka Caymiyay Shaqadii wakaalada biyaha iyo kuwo uu ka badalay qaybahoodii isagoo talaabadaa Badalkeedana ku Sameeyay Naas Nuujin uu u sameeya Jufadiisa .

 

Geesta kale waxa Xafiiska Maareeyaha dul Hoganeysa Fadeexad musuq Maasuq oo uu ka Gaystay Mashaariicdii Biyaha Caasimada Somaliland ee Hargaysa, iyadoo Horaantii Todobaadkan uu Wasiirka Wasaarada Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Banaanka Soo Dhigay Bilawga Musuq Maasuqa Maareeyaha Wakaalada Biyaha Daarood Ka dib markii uu ku Dhawaaqay inuu Fashilmay Mashruuc ka mida Mashaariicda loogu talo Galay Balaadhinta iyo Fidinta Biyaha Magaalada Hargaysa oo uu Maareeye Daaroodna Bulshada Reer Somaliland Qalabka warbaahinta u marin jirey inay Horaanta Sannadkan helidoonan Biyo ku Filan oo ay kaga Baxidoonaan Baahida Biyood ee Hadhaysa.

 

 

Magaalada Hargaysa ayaa iyadu Haatan la ciir Ciireysa Baahi Xoogan oo ka haysata Dhanka Adeega Biyaha iyadoo mudadi uu Xilka Hayay Maareeyaha haatan Xilka Haya Magaalada Hargaysa lagu arkay dhaqmo cusub oo dhanka Biyaha Xiliga Xaafadaha loo Xidhaayo Biyaha ka Jaba oo hada Xaafadaha laga qaado lacago aan hore looga Qaadijirin balse hada laga Qaado Xaafadaha islamarkaana aan la ogeyn halka ay ku dhacdo lacagtasi balse waxa la ii sheegay in lacagaha laga qaado sameynta Qasabaha jaba loo dhiibo Qasnaji Jooga Guriga Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargaysa mudane:maxamed Daarood.

 

 

isku soo Wada Duuboo Maareeye Daarood oo uu madaxweyne Siilaanyo Magacaabay Wakhtigii Dhamaadka Mudo Xileedkiisa ayaa intii uu Xilka Maareeyenimo hayay Noqday Masuulkii ugu Horeeyay ee soo Mara Wakaalada Biyaha Ta lagu Ogyahay Taarikhda Maamulka Wakaalada Biyaha Hargaysa.

 

UGU DANBAYN KUWANI WAA DANYAR KA CABANAYSA MAAREEYAHA WAKAALADA BIYAHA HARGAYSA OO CUNAHA KAGA MARAN

 


SOO RAAC SAYLACTODAY

EMAIL-Saylactoday@gmail.com
EMAIL-info@saylactoday.om
HARGAYSA SOMALILAND




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Site Designed & Developed by Ileys Inc